Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxey sheegayaan in gudaha magaaladaasi uu ka dhacay iska hor’imaad xoogan oo dhexmaray maleeshiyaat ka wada tirsan maamulka gaala raaca Puntland.
Iska hor’imaadka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaatka Ilaalada ka ah Xabsiga dhexe ee Boosaaso ay saraakiil ka tirsan Puntland u diideen iney gudaha u galaan Xabsiga,waxeyna maleeshiyaatkaasi ka cabanayeen Mushaar la aan baahsan.
Askartii Ilaalada u aheed saraakiisha ayaa isku dayay iney xoog ku gubdibayaan saraakiishaasi balse waxey taasi sababtay iney halkaasi ku dagaalamaan maleeshiyaatka ka wada tirsan maamulka Ashahaado la dirirka ee isku magacaabay Puntland.
Inta la xaqiijiyay iska hor’imaadkaasi waxaa ku dhintay Labo ruux oo shacab ah kuwaasi oo xilliga iska hor’imaadka goobta ka agdhawaa.
Sidoo kale iska hor’imaadkaasi waxaa ku dhaawacmay Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Puntland ee halkaasi ku wada dagaalamay waxeyna warar hoose sheegayaan in khasaaraha maleeshiyaatka ay is gaarsiiyeen uu intaasi ka badanyahay.
Maleeshiyaatka maamul Gobaleedyada ee gaalada raacyada ah iyo kuwa Dowladda Ridada ayaa shaqo maalmeed ka dhigtay iney dhexdooda dagaalamaan oo ay iska dilaan askar iyo Saraakiil fara badan.
Calamada.com
Allow iskudirdir