Xilli Roobaadka Deyrta ayaa si toos ah kaga curtay qeybo ka mid ah dalka Somalia,iyadoo roobabkan ay si aad ah ugu diirsadeen dadka iyo duunyada ku dhaqan goobaha uu Roobka ka curtay.
Gobalada Bakool,Shabeelada dhexe,Hiiraan iyo Galgaduud oo kala dhaca Konfurta iyo Bartamaha dalka Somalia ayuu si aad ah kaga da’ay Roobabka Deyrta,waxeyna dadka ku dhaqan degmooyinka iyo deegaanada gobaladaasi sheegeen in si aad ah loogu diirsaday Roobabkaasi.
Roobkan ka curtay qaar ka mid ah gobalka Somalia ayaa kusoo aadaya xilli dadka iyo duunyada ay si aad ah ugu baahi qabaan Roobabka xilliga Deyrta waxeyna Beeraleyda gobalada dalka Somalia imika heegan ugu jiraan iney ka faa’ideystaan Xilli Roobeedka Dayrta ee curtay.
Calamada.com