Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaallo culus maanta ay ka dhaceen deegaannada ku teedsan magaaladaas kuwaas oo u dhexeeyay Ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo Ciidamo huwan ah oo isugu jiray Itoobiyaan iyo Jabuutiyaan.
Dagaalka ayaa ku billowday qarax xooggan oo lagu beegsaday kolonyada Ciidamada huwanta oo saaka ka soo dhaqaaqay dhanka magaalada Beledweyne iyagoona soo maray wadada laamiga ah ee soo gasha degmada Halgan.
Qaraxa ka dib, waxaa billowday dagaal culus oo hubka nuucyadiisa la isku adeegsaday, waxaana uu istaagay muddo ka dib, iyadoona la rumeysan yahay khasaarooyin iney ka dhasheen.
Ciidamada Huwanta ayaa ka dib isku dayay iney sii socdaan balse waxey mar kale la kulmeen weerar dhabbo gal ah oo kaga yimid Ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyadoona halkaas mar kale uu ka qarxay dagaal muddo soconayay.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Mujaahidiinta ayaa sheegay in Ciidamada Huwanta ah ay ku hakadeen meel u dhow deegaan lagu magacaabo Beer Xaani, waxaana la xaqiijiyay in meydad iyo dhaawacyo ay meesha ku heystaan.
Ilaa caawa waxaa dhaqa dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa aaggaggii dagaalladu ay ka dhaceen iyadoona aan la ogeyn berrito haddii ciidamada Huwanta ay sii wadan doonaan socodkooda iyo haddii kale.