Iyadoo si toos ah loo guda galay Xilli Roobaadka Xilliga Dayrta ayaa Roobab lagu diirsaday si aad ah kaga da’een qeybo ka mid ah Wilaayaatka Dhaca Bartamaha dalka Somalia.
Wilaayaatka Islaamiga Mudug,Galgaduud iyo Hiiraan oo wada dhaca Bartamaha dalka Somalia waxaa ka da’ay Roobab si aad ah ay ugu diirsadeen dadka iyo Duunyada.
Dhanka Wilaayada Mudug waxaa ka mid ah goobaha sida gaarka ah Roobka kaga da’ay degmada Xarardheere iyo deegaano badan oo hoostaga degmada jowla ee Wilaayadaasi.
Dhnaka Wilaayada Galgaduud goobaha sida gaarka ah Roobabka kaga da’een waxaa ka mid ah degmooyinka Ceelbuur,Galhareeri,Galcad iyo deegaano kale oo ka tirsan Wilaayada Islaamiga Galgaduud.
Degmada Galhareeri waxaa ka da’ay Roob xoogan oo socday muddo ku dhaw Shan saac oo xiriir ah waxaana roobka Biyo dhiga wadooyinka Degmada Iyo Baraakadaha Biyaha Xareeda ay ku keedsanaa dadka deegaanka.
Degmada Ceelbuur iyaduna Roobka ka da’ay waxa uu socday muddo saacado xiriir ah,waana roob dadka iyo duunyada si aad ah ugu diirsadeen.
Sidoo kale Wilaayada Islaamiga Hiiraan iyaduna waxaa ka da’ay Roobab xoogan oo si aad ah loogu diirsaday waxeyna roobabkan goobaha sida gaarka ah kaga da’een waxaa ka mid ah deegaano badan oo hoostaga degmada Buq’aqable iyo kuwoo kale oo dhaca duleedka Beledweyne.
Roobkan ka curtay qaar ka mid ah Wilaayaatka dalka Somalia ayaa kusoo aadaya xilli dadka iyo duunyada ay si aad ah ugu baahi qabaan Roobabka xilliga Deyrta waxeyna Beeraleyda imika heegan ugu jiraan iney ka faa’ideystaan Xilli Roobeedka Dayrta ee curtay.