Qaraxa oo ahaa mid xoogan waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose,iyadoo faahfaahin laga helayo qaraxaasi.
Weerarka qaraxa waxaa si gaar ah loola beegsaday saldhig ciidan oo maleeshiyaatka dowlada Ridada ay ka sameysteen Dhismaha xeradii Tadaamun ee degmada Afgooye.
Dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay xaafadaha degmada iyo duleedkeeda,waxeyna goob joogayaal xaqiijiyeen in qaraxa khasaara nafeet lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka Murtadiinta.
Qaraxan waxa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay la wareegeen gacan ku heynta deegaano dhaca duleedka degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe.
Calamada.com