Wararka ka imaanaya dalka Kenya waxey sheegayaan in gudaha dalkaasi uu ka dhacay shil gaari kaasi oo sababay khasaara Nafeet iyo mid hantiyadeed oo aad u xoogan.
Shilka gaari ayaa si gaar ah kaga dhacay wadada u dhaxeysa magaalooyinka Naivasha iyo Gilgil ee dalka Kenya,waxa uu shilkan yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari Bas ah iyo Mid Xamuul ah.
Sarkaal ka Tirsan Booliska Saliibiyadda Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in Gaari Bas ah oo dad badan waday kuna sii jeeday dhanka magaalada Nayroobi ay isku dhaceen gaari Xamuul ah oo xowli ku socday.
Inta la xaqiijiyay shilkan gaari waxaa ku dhintay 11 Ruux waxaana ku dhaawacmay 25 ruux kuwaasi oo la xaqiijiyay iney dhaawacyadooda culusyihiin lana dhigay goobaha caafimaadka,sidoo kale waxaa gabi ahaan burburay gaarigii Baska ahaa ee dadkaasi ay la socdeen kaasi oo ay isku dhaceen gaari Xamuul ah.
Dalka Kenya ayaa ka mid ah Dalalka Caalamka ee ay ka dhacaan Shilalka gaari ee ugu khasaaraha badan,waxaana xusid mudan in Bil ka hor Shil gaari oo ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Mombasa iyo Nayroobi ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ku dhawaad Soddon Ruux oo Kenyaati ah.