Wararka ka imaanaya degmada Wallanweyn ee gobalka Shabeelada Hoose waxey sheegayaan in gudaha degmadaasi mar kale uu ka dhacay Qarax xoogan oo khasaara kala duwan dhaliyay.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay goob maalin walbo ay fadhiistaan maleeshiyaatka dowlada Ridada,iyadoona qaraxa uu dhacay xilli goobta ay fadhiyeen tiro askar ah.
Dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada iyo qeybo ka mid ah duleeedka degmada,waxeyna goob joogayaal xaqiijiyeen in qaraxa dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen tiro ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli maalin ka hor qarax ka dhacay gudaha saldhiga degmada Wallanweyn lagu dilay labo askari laguna dhaawacay Labo kale oo uu ku jira taliyihii maleeshiyaatka Ridada ee Saldhiga degmadaasi.
Calamada.com