Weeraradan oo isugu jira dagaal toos ah,Qaraxyo iyo dil qorsheysan waxey ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ka kala fuliyeen qeybo ka mid ah dalka Afghanistan.
Weeraradan oo lala beegsaday saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan Xukuumadda Kaabul ayaa la helayaa Faahfaahino dheeraad ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashay.
Weerarka Hore oo ahaa mid Dil ah waxey ciidamada Gaarka Imaarada Islaamiga Afghanistan ka fuliyeen qeybo ka mid ah gudaha magaalada Qandahaar ee Konfurta dalka Afghanistan.
Howlgalkan qorsheysan waxey ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaay Xukuumadda Kaabul kaasi oo magaciisa lagu soo gaabiyay Saadaq,iyadoona ciidamadii Mujaahidiinta ee howlgalkaasi fuliyay goobta si nabad ah kaga dhaqaaqeen.
Weerarka Labaad Oo ahaa mid qaraxyo oo gaaraya ilaa iyo Labo qarax waxey ka wada dhaceen qeybo ka mid ah Wilaayada Lowjar ee Bartamaha dalka Afghanistan.
Qaraxyadan oo lala beegsaday Kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka Ridada Kaabul waxaa lagu burburiyay Labo gaari waxaana lagu dilay ku dhawaad Toban askari.
Weeraradan ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay weerar dhabba gal ah oo ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan ay u dhigeen kolanyo ciidan oo ka tirsan Xukuumadda Kaabul uu ka dhacay qeybo ka mid ah Wilaayada Farah ee Galbeedka dalka Afghanistan.
Kamiinkaasi waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday ku dhawaad 20 isugu jirta saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan Murtadiinta Afghanistan.