Shilalkan gaari oo sababay khasaara kala duwan oo isugu jirta Naf iyo Maal waxey ka kala dhaceen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyo gobalka Mudug ee dalka Somaliya.
Shilka hore waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah Xaafadda Afisyooni ee magaalada Muqdisho waxa uu shilka Yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari Weyn iyo Mooto Bajaaj ah oo xowli ku socotay.
Mootada ayaa gabi ahaan burburtay kana dhax baxday Darbi goobta shilka uu ka dhacay ku yaala,waxaana uu dhaawac culus soo gaaray Darawalkii Mooto Bajaajta kaasi oo loola cararay Goobaha Caafimaadka.
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Shilka Muqdisho Ka Dhacay.
Dhanka gobalka Mudug ee Bartamaha dalka Somaliya waxa uu shil gaari ka dhacay wadada u dhaxeysa deegaanka Gawaan iyo degmada Hobyo oo ka wada tirsan gobalka Mudug.
Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari Xamuul ah oo Shamiito waday kaasi oo xowli ku socday,iyadoona shilkan uu ka dhashay khasaara nafeet oo aad u xoogan.
Inta la xaqiijiyay Shilkan gaari waxaa ku dhintay Lix Ruux waxaana ku dhaawacmay Lix Kale oo dhaawacyadooda loo qaaday goobaha caafimaadka.
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Shilka Gaari Ee Mudug.
Inta badan shilalka gaari ee kusoo laablaabto gudaha dalka Somaliya ayaa sabab looga dhigayaa darawalada oo aanan aqoon buuxda ula laheen wadista gawaarida islamarkaana si xowli ah ku wada gaadiidka iyo burbur ka jira wadooyinka.
Calamada.com
Inaa lilaahi wanaa ileehi taajicuun allaah ha u naxriiso inta ku fhimatay inta dhaawacmayna allaah habogsiiyo