Deegaanka jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay qarax xoogan oo lagu burburiyey gaari Cabdi Bile ah, iyadoona ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen askartii la socotay gaarigaasi.
Murtadiinta lagu dilay qaraxaas waxaa ka mid ah nin lagu magacaabo Axmad Caal oo ahaa Taliye hoorin hogaaminayey maleeshiyaatka lagu beegsaday qaraxaasi. wixii faafaahin ah ee ku soo kordha howlgaladaas waxaad ku maqli doontaan wararkeena soo socda.
Dhanka kale wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax xoogan duhurnimadii maanta lala eegtay ciidamo ka tirsan murtadiinta oo ku sugnaa deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.
Ciidamada la beegsaday ayaa lugeynayey, waxaana la sheegay in lala helay qarax aad u xoogan.
Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray maleeshiyaatka lala eegtay qaraxa, waana idiin soo gudbin doonaa wixii warar ah ee ku soo kordha qaraxaasi.
Xigasho Radio Andalus.
Calamada.com