Iyadoo inta badan dalladaha waxbarashada ee ka dhisan magaalada Muqdisho ay wada shaqeyn toos ah la leeyihiin dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo, ayaa waxaa arintaas digniin culus kasoo saaray Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Sheekh Cali Maxmuud Raage Sheekh Cali dheere, Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ka hadlayay munaasabad lacago sako ah lagu gudoonsiinayay boqollaal ruux oo reer Muqdisho ah ayaa ugu baaqay dalladaha waxbarashada iyo goobaha waxbarashada iney iska ilaaliyaan iney xiriir la sameeyaan dowladda federaalka.
Wuxuu Sheekhu sheegay iney ka war hayaan tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen qaar kamid ah dalladaha waxbarasho ee magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in ciddii ku dhega la shaqeynta dowladda federaalka ay ka qaadi doonaan tallaabo cad oo waafaqsan Shareecada Islaamka.
Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali dheere wuxuu ka hadlay ahmiyadda ay leedahay waxbarashada iyo duulaanka ay Shisheeyuhu ku qaadeen jaanibkaas, wuxuuna sheegay in iskuullada iyo Jaamacadaha ay yihiin goobo muhiim ah oo wax lagu baro ubadka, ayna waajib tahay in laga ilaaliyo wax weliba oo wasakheyn kara Caqiidada umadda muslimka ah.
Hay’adda UNESCO ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha waxbarashada ayuu Sheekh Cali dheere soo hadal qaaday, isagoona sheegay in Mujaahidiintu ka war hayaan manaahijta waxbarasho ee ka hor imaanaya diinta islaamka ee hay’adaas ay faafiso, tallaabo adagna ay ka qaadi doonaan.
Hadalka kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli dalladaha waxabarasho ee magaalada Muqdisho ay ardeyda u dhigaan manhaj ka hor imaanaya diinta Islaamka oo ay soo diyaarisay hay’adda UNESCO ee Qaramada Midoobay.
Halkan ka dhagayso Kalimadda uu jeediyay Sheekh Cali Dheere.
Asc Sheekha allaha dhowro arint wabarasha Runt ayaa kasheegay aniga ayaa ka mid ah dhalanyada waqtiga laga dilay wax dhaqan xumo aan aheey laguma barto jaamacadaha dhan
Qofka dhalan yaradi ah waqtigiisa oga qiimaha badtaa ayaa laga lumiyaa intii uu raaci lahaa wadada toosan oo baran lahaa wixii loo keenay kee titaaabka iyo sunada
walaahi waa iga dhab farqi way ayaa u dhaxeeya Qofka Dowradaha wilaayadka wax kasobarto iyo kan raaco nidaamkan xabsiga ah oo ay caalamka kasocda hadii ay ahaan lahey school iyo jaamacad, wll muslika ahoow iswadii xiligii nabiga waxaan majir jiray maya jamacada muslimiinta waa masaajidada iyo dugsiga quraanka
ugu dambeeyntii walaalah mujaahidiint waxaan allaha uga bariyaa in nasri deg deg ah alha siyo waxaan leeyahay gebi ahaan ba hala hiro oo elbaabada loo laabo Niyaamyada hada socdaan school iyo jaamacadba.