Qarax culus ayaa lala beegsaday Kolanyo ka tirsan ciidamada Shisheeye oo ku socdaalayay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka deegaanka Golaleey ee hoostaga degmada Balcad ee gobalka Shabeelada Dhexe,iyadoo qaraxan khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada Kufaarta Afrikaanta gaar ahaan kuwa gaalada Burundi.
Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in qaraxa lagu burburiyay gaari Taw ah waxaa sidoo kale qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii gaalada ee la socotay gaariga Taw-ga ee qaraxa ku basbeelay.
Kolanyadan qaraxa lala beegsaday ayaa sahay ciidan u geeyay ciidamada Kufaarta Burundi ee ku sugan degmada Jowhar waxeyna ku sii jeedeen dhanka magaalada Muqdisho,waxaa xusid mudan in kolanyadan markii ay sahayda kasoo qaadayeen magaalada Muqdisho qaraxyo lagula beegsaday agagaarka isgoyska Ex-controol Balcad ee degmada Hilwaa qaraxaas oo looga gubay gaari Taw-ah dhimasho iyo dhaawac ahna ay kaga noqdeen tiro askar Burundeys ah.
Calamada.com