Magaalada Jilib ee wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka waxaa ka dhacay xukun Xaddu-rido ah, kaas oo lagu fuliyay ugu yaraan shan ruux oo lagu helay falal jaajuusnimo ah.
Dadka xukunka Xadu ridada lagu fuliyay waxay gaarayeen illaa iyo shan ruux, waxayna u kala shaqeynayeen sirdoonnada Maraykanka, Ingiriiska iyo kan dowladda federaalka.
Boqollaal ruux oo kamid ah dadka Jilib degan ayaa isugu soo baxay fagaaraha weyn ee Macallin Aadan, halkaas oo uu ka dhacay xukunka.
Jawaasiista Lagu Dilay Fagaaraha Jilib Ayaa Lagu Kala Magacaabaa.
1-Cabdi Caziiz Cabdi Salaam Sheekh Xasan Oo Da’diisu Tahay 29 Jir Waa Jaajuus u adeegayay Sirdoonka Mareykanka.
2-Muxamed Cabdi Llaahi Cawil Oo Da’diisu tahay 35 Jir Waa Jaajuus u adeegayay Sirdoonka Mareykanka.
3-Jeylaani Cabdi Llaahi Nuur Oo Da’diisu Tahay 36 Jir Waa Jaajuus u adeegayay Sirdoonka Mareykanka.
4-Cawaale Axmed Muxamed Oo Da’diisu Tahay 32 Jir Waa Jaajuus U Adeegayay Sirdoonka Ingiriiska.
5-Cabdi Qaadir Isxaaq Amiin Oo Da’diisu tahay 23 Jir Waa Jaajuus U Adeegayay Sirdoonka Dowlada Federaalka.
Halkan Ka Dhageyso Qaadiga Oo Aqrinaya Xukunka Maxkamada Islaamiga.
Calamada.com