Nikki Hely oo ahayd wakiilka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday iney iska casishey xilkii ay u heysay dowladda Maraykanka.
Iyadoo la hadleysa Warbaahinta ayay shaaca ka qaaday inay go’aansatay iney iska casisho xilka wakiilnimo ee ay Maraykanka ugu joogtay Qaramada Midoobay.
Nikki Hely ma sheegin sabab rasmi ah oo ku aadan is casilaadeeda, waxaana suuragal ah inuu jiro khilaaf soo kala dhexgalay iyada iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Tan iyo markii Donald Trump la wareegay talada dalka Maraykanka ayaa Nikki Heley loo magacaabay wakiilka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, waxaana haweeneydan lagu xusuusan doonaa sida indha la’aanta ah ee ay u taageeri jirtay go’aannada Donald Trump.
Go’aankii Donald Trump uu ugu aqoonsaday Qudus caasimadda Yahuudda ayay si joogta ah u difaaci jirtay, iyadoona fadhi golaha Qaramada Midoobay isugu yimaadeen ka sheegtay in dowladdii ka hor timaada go’aanka Trump ay il gaar ah ku fiirin doonaan.