Fagaare kuyaal degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe ayaa maanta gelinkii dambe lagu toogtay Kooxo Jawaasiis ah oo maxkamad islaami ah ay dil ku xukuntay.
Qaadiga Maxkamadda oo boqolaal qof ka hor akhrinayay xukunka Maxkamaddu soo saartay ayaa sheegay in shanta Nin ee latoogtay ay u shaqeynayeen sirdoonnada Dowladda Kenaya iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Al Shabaab waxay sheegtay in dhammaan Ragga maanta lagu dilay degmada Saakoow ay qirteen dambiyada lagusoo eedeeyay ee ah in ay ubasaasayeen dhinacyo shisheeye.
Hoos ka Akhri Magacyada Jawaasiista Saakoow Lagu Dilay
1-Cabdi Raxmaan Xuseen Max’med
2-Haaruun Cabdi Raxmaan Cumar
3-Caliyoow Jiinoow Nuur
4-Max’med Yuunus Mad Keer
5-Cabdi Shakuur Xasan Xuseen.
Halkan Ka Dhageyso Kalimadda Qaadiga.
Calamada.com
Asc allaahu Akbar allow indhaha kasoo rid jawaasiista