Ciidamo Ameerikaan ah iyo kuwa Soomaali ah oo la socday ayaa la kulmay silsilado weeraro ah oo uga yimid dhanka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ugu yaraan afar weerar ayay la kulmeen ciidamada Maraykanka iyo kuwa Bankrafta, waxaana weeraradu ahaayeen kuwa aad u xoogan.
Khasaare adag oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la rumeysanyahay inuu gaaray ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida, balse maynaan helin tira rasmi ah.
Ciidamada la kulmay weerarka waxay kusii jeedeen deegaanka Basra oo katirsan gobolka Shabeellaha hoose, waxaana weli ay dareemayaan cabsi ah iney la kulmaan weeraro horleh.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxyada iyo rasaas lays dhaafsanayay balse lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor’imaadyadii maanta dhacay mana jirin wax duqeymo ah oo ay diyaaradaha Mareykanka geysteen.
Burburiya nin kii gaal dilaa bilad lasiiyaaye
Burburiya kufriga jeeda lihi waa baqahayaane
Burburiya bilaad kay xumaan ula bareeraane
Burburiyo bilaawaha marshiyo beegsi weeyaane
Burburiya Ilaah wuxu boqraa gaal nin buur goyne
Burburiya bahdeen maahaniyo beesha tawxiide
Burburiya kufriga balagta dheer waysku wada baale