Dagaallo xoogan ayaa markale deegaanka Basra ee duleedka Balcad ku dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Maraykanka oo ay la socdaan malleeshiyaad soomaali ah.
Dagaalka oo ka dhacay afaafka hore ee magaalada, gaar ahaan dhanka webiga ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare baaxad leh oo gaaray ciidamada Ameericaanka.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro is xig xigay ku qaaday ciidamada Ameericaanka, taas oo Maraykanka ku qasbay iney u cararaan magaalada Muqdisho oo ay markii hore kasoo duulaan tageen.
Ciidamada Soomaalida ee lagu reebay Basra ayaa iyagana cagaha wax ka dayay markii Ameerikaanku baxay, waxaana firxadkooda ka daba tagay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Dagaal adag ayaa maqribnimadii caawa ciidamada soomaalida ee ka cararay Basra wuxuu ku qabsaday deegaan duleedka ah deegaanka Basra oo lagu magacaabo Danniga Baaloow, halkaasna waxaa lagu gaarsiiyay khasaare kala duwan.
Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Maraykanka oo wata malleeshiyaad soomaali ah oo iyagu tababareen ayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka waday deegaanka Basra, kaas oo ay ku carqaladeeynayeen ku dhaqanka shareecada Islaamka, waxaana isku dayadooda ay ku dambeeyeen fashil iyo jab xoogan.