Rag hubeysan ayaa markale gudaha magaalada Muqdisho ku dilay mid kamida Odayaashii dhaqanka ee ka qeyb qaatay fadhiyadii lagusoo xulayay xildhibaannada Baarlamaanka Dowladda Federaalka.
Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ee galbeedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rag hubeysan oo katirsan Al Shabaab ay dileen Max’med Cali Feeldheer oo kamid ahaa Odayaashii xildhibaannada DF kasoo xulay dhanka maamulka isku magacaabay Galmudug.
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas’uuliyadda dilkan,waxa uu dilkan qeyb ka noqonayaa ugaarsiga xoogan ee Shabaabul Mujaahidiin ku heysa Ergadii soo xushay xildhibaanada dowlada Ridada iyo kuwa maamul gobaleedyada.