Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ay la kulmeen weeraro xilli ay ka tageen Buuloburde kuna jeedeen dhanka Baladweyne.
Inta la xaqiijiyay waxaa Xabashida laga gubay laba gaari tiro askar ahna waa laga dilay, masaafada ay socdaanna ma ahan mid dheer maadaama ay wadada ka baqayaan xilliyada qaarna ay dagaalo kala kulmayaa ciidamada milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Kolanyadan Xabashida Itoobiya ee weeraradan culus lala beegsaday ayaa muddo ka badan Labo Todobaad ku socdaalaya wadada isku xirta degmooyinka Beledweyne Buulo burte iyo degmada Jalalaqsi oo ka wada tirsan gobalka Hiiraan waxeyna Muddadaas la kulantay weeraro kale duwan oo ay ku weysay Xabashida saraakiil askar iyo gaadiid dagaal.