Weerar qorsheysan ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho kaasi oo laga helayo faahfaahin dheeraad ah.
Weerarkan oo ay fuliyeen Rag hubeysan waxaa lala beegsaday saraakiil ka tirsan dowlada Ridada kuwaasi oo la xaqiijiyay in dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay howlgalkaasi.
Saraakiisha weerarkan lagu dhaawacay ayaa ah Labo Sarkaal kuwaasi oo lagu kala magacaabo Xasan Muuse Maxamed oo ah sarkaal ka tirsan Howlwadeenada dowlada ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo sarkaalka Labaad oo lagu magacaabo Shaawil oo isagana ka tirsan saraakiisha Booliska Dowlada Ridada.
Weerarka lagu dhaawacay Labadaasi Sarkaal waxaa Mas’uuliyaddiisa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.