Inkabadan 10 siyaasi oo dhamaantooda katirsan xisbiga Dimuqraadiga ee wadanka Maraykanka ayaa lagu qaaday weeraro qaraxyo ah, kuwaas oo lagu doonayay sida muuqata in lagu khaarijiyo.
FPI-da Maraykanka ayaa ka hortagtay brintarro qaraxyo lagu soo sameeyay, kuwaas oo si isku mid ah loogu diray mas’uuliyiin sar sare oo katirsan xisbiga Dimuqraadiga, oo ay ku jiraan Obama, Hellary Clinton iyo kuwa kale.
Qaar kamid ah qaraxyadaas waxaa la sheegay iney gaareen goobihii loogu talalagay, balse inta aysan qarxin kahor laga hortagay, waxaana bartilmaameedyada la gaaray kamid ah guriga Obama iyo xarunta telefeshinka CNN.
Sirdoonka Maraykanka wuxuu sheegay iney wadaan baaritaanno ballaaran oo lagu ogaanayo cida rasmiga ah ee ka dambeysa arintan.
Donadl Trump ayaa bartiisa twitterka wuxuu ka sheegay in arintan ay tahay shirqool lagu doonayo in lagu khal-khal geliyo doorashooyinka dhawaan la filayo iney ka dhacaan wadanka Maraykanka.
Warbaahinta Maraykanka ayaa aad u hadal haya arintan, waxayna sheegayaan in dadka la beegsaday ay dhamaantooda kasoo horjeedaan Donald Trump, taasina ay muujineyso shakki xoogan.
Ciidamada Amaanka ee Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa in gobolka Florida ay ku qabteen nin katirsan xisbiga Jamhuuriga, oo looga shakisanyahay inuu yahay qofka soo miineeyay brinteradan.