Camaliyad Istish-haadiyo ah ayaa lagu weeraray saldhig military oo ku yaala gobolka Meydn wardak, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday tobanaan askar ah.
Camaliyadan Istish-haadiyada ah ayaa ka dhacday afaafka hore ee taliskan military oo ku yaala degmada Meydan Shaar oo katirsan isla gobolka, xilli ay iridka ku sognaayeen ilaa 5 gawaari oo basas ah oo siday ciidan loo waday Tababar oo laga keenay dhanka magaalada caasimad ah ee kaabul.
Walaalk istish-haadiga ah oo kaxeynayey gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyey ayaa bartamaha ka dhigay gaadiidki basaska ahaa ee ciidanka ay saarnaayeen iyo askar fara badan oo xiligaas ku mashquulsanaa barista gaadiidka iyo ciidanka faraha badan ee la doonayey in saldhigan lagu tababaro.
War rasmi ah oo kasoo baxay imaarada islaamiga ah ayay ku sheegatay masuuliyada weerarkan, waxa ayna tilmaantay in walaalka howl galka fuliyey lagu magacabaabo Cuthman Qandahari, howl galkana uu u dhacay sidii loo qorsheeyey.
Warbaahinta gudaha ee dalka Afghanistan ayaa sheegay in gaadiidka Ambulance ay goobta soo buux dhaafiyeen, khasaaraha ka dhashay weerarkana uu yahay mid aan yareyn.
Muuqaalo lagasoo qaaday goobta ayaa muujinayey burbur xoogan oo soo gaaray gaadiidkii Basaska ahaa ee cadawga iyo gawaari kale oo ah kuwa gaashaaman, kuwaas oo weerarkan qaraxa ah ku burburay.
Imaarada Islaamiga ah ayaa sheegtay in walaalka Istish-haadiga ah uu mudo dheer ku sugna agagaarka Saldhiga, isagoo sugayey fursadan qaaliga ah, waxa ayna xaqiijisay in goobta uusan ku sugneyn qof shacab ah, xilliga uu weerarku dhacayey.
Waxa ay tilmaantay in saldhigan oo ka baxsan yahay magaalada, sidoo kalena ciidanka cadawga ee ku sugan gudahahiisa aysan shacabka u ogoleyn inay usoo dhawaadaan.
Saldhigan oo ah mid aad u weyn ayaa lagusoo waramayaa in gudahiisa ay ku sugan yihiin ciidan fara badan oo boqolaal gaaraya, cadawgana uu isticmaalo inuu saadka ugu kala gudbiyo ciidankiisa ku kala sugan gobolada wadanka Afghanistan, gaadiidka dagaalka ee halkaas yaalana ay kor u dhaafayaan 1300 oo isugu jira gawaarida gaashaman ee dagaalka iyo kuwa zaadka qaada.
Sidoo kale gudahiisa ayaa lagu tababaraa ciidanka calooshood u shaqeystayaasha ah ee xukuumada Afghanistaan, kuwaas oo dagaal kula jira mujaahidinta Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah camaliyaadka Alkhandaq oo imaarada islaamiga ah ay ku dhawaaqday Bishi shacbaan ee aan soo dhaafnay, duulaankaas oo si dar dar leh kaga soconaya dhamaan gobolada kala duwan ee wadanka Afghnaistan.