Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa tilmaamaya in ciidamada saliibiyiinta Kenya shalay magaalada kismaayo gaari ku jiirsiiyeen askari ka tirsan maleeshiyaadka murtadiinta axmed madoobe.
Falkan ayaa ka dhacay xaafada calanley gaar ahaan dalcada ee magaalada kismaayo. Waxaana kolonyo ciidamada saliibiyiinta Kenya ah oo wadada marayay meel wadada aan ka fogeyn ku sugnaa murtadka la dilay iyagoona marqura gaarigii ugu horeeyay kusoo leexiyay waxaana askarigaas dusha ka wada maraya dhamaan kolonyadii gaadiidka ciidanka Kenya.
Goobjooge ku sugnaa halkii ay wax ka dhaceen ayaa ii sheegay in askarigan u taagnaa laamiga dhinaciisa islamarka ay marqura gawaaridii oo dhan jiirtay. Ugu dambeeyn maydkiisa dhulka laga fujin wayay taasoo ugu dambeeyntii keentay in hilbihiisa iyo carada la isku qaado.
Ciidamadan kenyaatiga ah ayaa ka yimid dhinaca garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo waxaana ay soo galayay gudaha magaalada. Dadka deegaanka ayaa isku raacay in ciidanka saliibiyiinta Kenya ay falkaas u geysteen si ula kac ah.
Waa dhaqamada dhabta ah ee gaalada ay kula kacdo cid kasta oo daba dhilif u noqota. Mana jirto wax war ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay maamulka asha haado la diriirka isku magacaabay jubbaland oo askarigaas u ka tirsanaa.