Wararka ka imaanaya dalka Maali oo ka mid ah wadamada dhaca galbeedka qaarada Africa ayaa sheegaya in Camaliyad Istish-haadiyo ah lala beegsaday Saldhig military oo ay lahaayeen dowladaha Ingiriiska Jarmalka iyo Canada, oo ku yaala bartamaha Magaalada Gaaw ee dhacda woqooyiga wadanka.
War rasmi ah oo kasoo baxay Jamaacada Nusratul Islam Wal Muslimin ee ka dagalanta wadanka Maali ahna Mujaahidiin taabacsan Mujaahidiinta Al-qaacidah ayaa lagu sheegay in walaal Mujaahid ah uu gaari lagasoo buuxiyey walxaha Qarxa ku weeraray Saldhiga, isagona ka talaabay Albaabka hore oo gaariga ku qarxiyey bartamaha Saldhiga, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin khasaaraha ka dhashay weerarkan halyeynimo.
Walaalka fuliyey Camaliyada Istish-haadiga ah ayay tilmaantay inuu katirsanaa guutada Istish-haadiyinta ee Mujahidinta Jamacada Nusratul Islam Wal Muslimin,
magaciisana waxa ay ku sheegtay Usaama Al Ansaari, Allah aka aqbale Shahaadadiisa.
Warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegaysa in weerarkan uu beegsaday Shirkad Murtaziqa ah oo heshiis Miino baaris ah kula jirtay hey’ad gaaleedka Qaramada Midoobe, ayna ku dhinteen ugu yaraan 3 qof, kuwa kalena ay ku dhawacmeen.
Askarta Murtaziqada ah ee la beegsaday ayay wararku tilmaamayaan inay ku mashqulsanaayeen, howlo mina baaris ah oo ay ka wadeen afaafka hore ee saldhigooda oo kuyaala xaafada 8aad ee magaalada Gaaw, gaar ah meel ku dhow dariiqa loo yaqaan wabaariya, sida lagasoo xigtay wazaarada Amniga xukumada Mali.
Ilaa hada ma cada wadamada ay ukala dhasheen 3 qof ee lagu dilay weerarkan, iyo kuwa dhaawaca ah ee qeybta ahaa askarta saliibiyinta ee duulaanka ku jooga wadanka Maali, waxaana loo badinayaa inay u dhashen midka mid ah 3 dowladood ee saldhigan sida wadajirka ah u degan, kuwaas oo kala ah wadamada ingiriiska, Jarmalka iyo dowlada Canada.
Wadanka Maali waxaa ku sugan ciidamo fara badan oo ka socda dowladaha salibiyinta caalamka, halkaasna waxa ay ka wadaan howl galo islaam la dirir ah oo ka dhan ah dadka musliminta ah ee wadankan ku dhaqan iyo Mujaahidinta Jamacada Nusratul Islam Wal Muslim oo ah faraca Alqaacida ee wadamada dhaca saxaraha iyo Saaxilka Africa, oo dagal adag kula jirto saliibiyinta soo duulay.
Magaalada Gawa ee hada uu weerarku ka dhacay waxaa ku yaala saldhig laga hago diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ay leedahay dowlada Jarmalka, Saldhig wadajir ah oo ay degan yihin ciidamo ka socda Jarmalka, Ingiriiska iyo Canada, Saldhig ay leeyihiin ciidamo kakala socda wadamada Faransiiska iyo Luthiania, kuwaas oo si joogta ah duqeyn iyo weeraro habeen dheelmad ahba uga fuliya bariga wadanka Mali, iyagoo ka duulaya Saldhigyadooda magaalada Gaaw.
Dowlada faransiiska ayaa hogaamineyso xamla gaaleedka lagu qaaday wadanka Maalin, waxa ayna halkaas ka wadaa howl gal loogu magac daray Barkhan, inkastoo joogitaankeeda wadankan uu soo socday tan iyo sanadki 2013ka.