Ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay weerar gaadma ah oo ka dhacay Muqdisho
Wararka laga helayo waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya qarax lala eegtay ciidamo katirsan AMISOM oo ku sugnaa qeybo ka mid ah degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir.
Qaraxan oo aan ilaa hadda la ogeyn nooca uu ahaa layaa lala lala helay ciidamo ka tirsan soo duulayaasha Ururka Midowga Afrika oo howlgal roondo ah ka sameynayay xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Hiliwaa sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Ugu yaraan hal askari ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhintay qaraxaas laguna dhaawacay tiro kale sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada Al-Shabaab.
Sidoo kale dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay howlgal qorsheysan ku beegsaday askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaan Nabad Sugidda.
Askarigan oo magaciisa lagu soo koobay ilbir ayaa si halis ah ugu dhaawacmay howlgalka waxaana la sheegay in dagaalyahanada hubeysan ay si nabadgalyo ah goobta uga dhaqaaqeen iyagoo bad qaba.
Xoogaga Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada qorsheysan iyo qaraxyada ay ku beegsanayaan askarta iyo Saraakiisha u shaqeeya maamulka taagta daran ee ka jira Muqdisho.