Agagaarka xarunta Kulliyada Jaalle-siyaad waxaa qarax lagula eegtay sarkaal ka tirsan Milatariga Dowladda Ridada.
Sarkaalka qaraxa lagu beegsaday waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Kaafi Yaasiin Cali, waxaana qarax lala eegtay gaari nooca Surf ah oo uu watay.
Dhawaaqa qaraxa ayaa si aad ah looga maqlay xaafada kala duwan oo ka tirsan Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Hodan iyo Dayniile waxaana mas’uuliyadda qaraxa sarkaalka lagu dilay sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusii kordhaya howlgallada gaarka ah ee lagu ugaarsanayo saraakiisha iyo xubnaha dowladda federaalka, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala Muqdisho sii kordhiyeen beegsiga xubnaha dowladda.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, S0malia.