Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray qarax lagula beegsaday deegaan dhaca halka ay iska galaan gobollada Gedo iyo Baay.
Wararka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax xooggan uu maanta gelinkii dambe haleeyay kolonyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya oo ka amba baxay Bardaale kunasii jeeday dhanka Dooloow.
Qaraxa ayaa sababay gubashada gaari Uuraal ah oo ay saarnaayeen ciidamo Itoobiyaan ah, dad ku sugan inta u dhaxaysa Yurkut iyo Qansax Oomane ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqleen jugta qarax weyn kadibna ay sheedda ka arkeen qiic iyo Uuro Madoow oo cirka isku shareeray.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee lagu qarxiyay duleedka Yurkut ayaa horraanti isbuucaan kasoo dhaqaaqay magaalada Baydhabo waxayna lakulmeen silsilado qaraxyo ah oo uga imaanaya dhanka ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab.