Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa weeraro culus ku qaaday saldhigyo Maleeshiyaatka Xukuumadda Kaabul ay ka kala sameysteen Wilaayaatka Aruzjan iyo Qandahaar ee dalkaasi.
Weerarka hore oo ahaa dagaal toos ah waxey ciidamada Mujaahidiinta dhaalibaan ku qaadeen saldhig boolis oo ku yaala deegaan hoostaga degmada Tirinikoot oo ka tirsan Wilaayada Aruzjaan oo dhacda bartamaha dalka Afghanistan.
Weerarkan waxaa lagu dilay ugu yaraan 15 askari oo ka tirsan booliska maamulka Murtad Ashraf Gani iyadoona tiro kale lagu dhaawacay.
Howlgalka Labaad oo isagana ahaa mid Kamiin ah waxey ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ay u dhigeen kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka Ridada Kaabul kuwaasi oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah Wilaayada Qandahaar.
Weerarkan dhabba galka ah waxa uu sigaar ah kaga dhacay duleedka degmada Shaawili Koot iyadoona weerarkaasi khasaara culus lagu gaarsiiyay cadowga.
Warbaahinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa baahisay in kamiinkaasi lagu dilay ugu yaraan 21 isugu jirta Saraakiil iyo askar ka tirsan maamulka Dowladda Saliibiyadda Mareykanka ay ka dhisatay Kaabul.
Ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan ayaa weerarkan sidoo kale ku gubay Afar gaari oo qeyb ka aheed gaadiidka ay wateen kolanayda waxeyna sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta gacanta ku dhigeen hub noocya kala duwan ah.
Weeraradan khasaaraha culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka Murtadiinta Afghanistan ee ka kala dhacay Bartamaha iyo Konfurta dalkaasi ayaa qeyb ka ah howlgalka Al khandaq ee ciidamada Mujaahidiinta Imaarada islaamiga Afghanistan sida tooska ah kaga wadaan 34 Wilaaya ee uu dalkaasi ka koobanyahay.