Wararka ka imaanaya Wilaayada Shabeelada hoose waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah Wilaayadaasi uu ka dhacay Weerar lala beegsaday kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka Milatariga dowladda Ridada kuwaasi oo xalay saqdhi dhexe ah doonayay in si dhuumaaleysi ah ku gaaraan degmada Wallanweyn.
Weerarkan oo ahaa mid qarax ah waxa uu sigaar ah kaga dhacay wadada isku xirta degmada Wallanweyn iyo deegaanka Warmaxan oo ka wada tirsan Wilaayada Shabeelada hoose.
Murtadiinta qaraxa lala beegsaday ayaa watay Saddex gaari Cabdi Bile ah waxeyna gal binayeen sarkaal sar oo ka tirsa Murtadiinta kaasi oo ah taliyaha Guutada Lixaad ee Milatariga oo lagu magacaabo Xuseen Xoosh.
Inta Laxaqiijiyay qaraxan waxaa lagu dilay Labo iyo Toban Murtadiin ah kuwaasi oo uu ku jira sarkaal Gaashaanlle ah oo lagu magacaabi jirat Qaar Madow.
Sidoo kale qaraxan waxaa lagu dhaawacay shan askari Murtadiin ah kuwaasi oo labo ka mid ah ay dhaawacyadooda culusyihiin oo xaaladooda ay aad u liidata waxeyna wararka qaar sheegayaan in Taliyaha Guutada Lixaad oo kolanyadan ay galbineysay isagana uu dhaawac yahay.