Wararka kusoo dhacaya warqabadka Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in kamiin culus uu ka dhacay nawaaxiga magaalada Balcad, kaas oo lala eegtay ciidamo katirsan dowladda federaalka.
Kamiinka oo ahaa mid aad u culus waxaa khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda, iyadoona lagu gubay gawaari dagaal.
Tirada dhimashada inta la hubo waxay ka badantahay toban askari oo katirsan dowladda federaalka, waxayna Mujaahidiintu gubeen ugu yaraan saddex gaari.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen gaari bad qaba, kaas oo ay soo kaxeysteen.
Firxadka ciidamadii ka badbaaday weerarka ayaa gaaray magaalada Balcad, kuwaas oo laga dareemayo anfariir iyo cabsi xoogan.
Howgallada ka dhacaya gobolka Shabeellaha-dhexe kana dhanka ah Shisheeyaha iyo ciidamada dowladda ayaa kusii badanaya gobolka, waxaana geysanaya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.