Wararka ka imaanaya dalka Konfur Afrika waxey sheegayaan in markale gudaha dalkaasi lagu dilay ganacsade Somali ah.
Kooxo Burcad Konfur Afrikan ah ayaa gudaha magaalada Cape town ku dilay mid ka mid ah ganacsatada Somalida ah ee Mehradaha ganacsi ku leh magaaladaasi iyo deegaanada hoostaga.
Ganacsadaha Somaliga ah ee ay dileen Kooxaha Burcad Konfur Afrikanta ah ayaa lagu magacaabi jiray Hilaal Xirsi Jaamac waxaana dilkan si aad ah uga naxay Somalida ku dhaqan dalkaasi.
Dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi ayaa ku eedeeyay ciidamada nabadgelyada u xilsaaran ee Koonfur Afrika inay waxba ka qabanin weerarada joogtada ee loo geysto naftooda iyo hantidooda, iyadoona mararka qaar ay dhacda in ciidamadaas ay qayb ka noqdaan bililiqada loo geysanayo goobahooda Ganacsi.