Xili ay sii kordhayaan howlgallada Mujaahidinta ay ka fulinayaan magaalada Muqdisho ayaa 24kii saac ee lasoo dhaafay Muqdisho waxa ka dhacay howlgalo isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo lagu weeraray xarumo maleeshiyaadka ay leeyihiin.
Weerarka Kowaad oo dil ah shalay ciidamada Mujaahidinta waxay ka fuliyeen qeybo kamid ah degmada Waabari ee magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu Khaarijiyay askari katirsanaa maleeshiyadka Murtadiinta gaar ahaan kuwooda loogu yeero Police-ka.
Weerarka Labaad oo isna dil ah ciidamada Mujaahidinta waxey ku dileen askari kale oo ka tirsanaa Murtadiinta Booliska kooxda Ridada Somalia, iyadoo si gaar ah uu kaga dhacay nawaaxiga xaafada Albarako ee magaalada Muqdisho.
Howlgalka Saddexaad oo ahaa qarax xalay ciidamada Mujaahidinta ee ka howlgala Wilaayada Banaadir waxay ku beegsadeen maleeshiyaad Murtadiinta ka tirsan oo ku sugnaa xarunta degmada Hodan, waxaana ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan lasoo gudbin tirade waxyeelada ee maleeshiyaadka qaraxa kasoo gaaray.
Weerarka Afaraad waxey ciidamada Mujaahidinta u adeegsadeen qarax xoogan kaas oo lagu beegsaday isku imaatin maleeshiyaadka kooxda Ridada ay kaga sugnaayaan xaafada Kaawo_Godey ee magaalada Muqdisho.
Xigasho Radio Andalus.
Calamada.com