Ciidamada Mujaahidiinta Xarakada Alshabaab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.
Weerarkan qorsheysan waxey ciidamada Mujaahidiinta la beegsadeen askari ka tirsan Nabad sugidda dowladda Ridada.
Askariga la beegsaday oo dhaawac culus soo gaaray ayaa lagu magacaabaa Cabdi Cali Aduunyo iyadoona Raggii weerarkan fuliyay goobta si nabad ah ay kaga dhaceen.
Howlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli Afar Iyo Labaatankii Saac ee u dambeeyay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin gudaha magaalada Muqdisho ka fuliyeen weeraro kala duwan kuwaasi oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen maleeshiyaat ka tirsan dowladda Federaalka.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.