Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa weerar qorsheysan oo isugu jira Istish-haadi iyo Ingimaasi ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaala magaalada Kaabul ee caasimadda wadankaas.
Weerarka waxaa qaaday istish-haadiyiin katirsan Imaarada islaamiga ee Afghaanistaan, waxaana gudaha saldhiga u daatay ciidama aad u hubeysan waxyar kadib markii ay dhacday camaliyadda lagu daahfuray howlgalka.
Xarunta la beegsaday waxaa lagu magacaabaa Joorjaa waxayna ku taallaa mandiqadda sagaalaad ee magaalada Kaabul, aadna loo adkeeyo amaankeeda.
Waxaa saldhiga ku sugnaa boqollaal askar iyo saraakiil ah oo katirsan Shisheeyaha duulaanka ku jooga dalka Afghaanistaan iyo malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul, waana goobta laga soo abaabulo weerarada habeen dheelmadka ah ee ciidamada Maraykanku kusoo qaadaan gobollada kala duwan ee wadanka Afghaanistaan.
Weli lama hayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalkan oo dhacay habeenkii xalay, waxana dadka goobjoogayaasha ah ay sooo sheegayaan iney arkayeen uuro iyo qiiq madow oo isku shareeray hawada saldhiga.
Imaarada islaamiga ee Afghaanistaan oo durba sheegatay mas’uuliyadda howlgalkan ayaa shaaca ka qaaday inuu jawaab u yahay ciidamada Maraykanka ee caadeystay iney shacabka masaakiinta ah ku xasuuqaan gobollada ka baxsan gacanta xukuumadda taagta daran, ayna maamusho Imaarada islaamiga ee Afghanistaan.