Telfeshinka CNN ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa baahiyay inuu geeriyooday madaxweynihii hore ee Maraykanka George H.W. Bush.
Bush ayaa ku geeriyooday magaalada Houston ee Maraykanka, sida uu xaqiijiyay Afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo McGrath.
Wuxuu ku geeriyooday da’da 94 sano, wuxuuna kamid ahaa ninkan madaxweynayaashii jamhuuriga ee soo maray dalka Maraykanka.
Geeridiisa waxaa loo sababeeyay xanuuno adag oo sanadihii lasoo dhaafeyba uu la daala dhacayay, waxaana bishii April ee sanadkan geeriyootay xaaskiisa oo lagu magacaabo Barbara Bush oo iyaduna jirtay 92 sano.
Gaalkan Baqtiyay ayaa ahaa madaxweynaha dowladda Saliibiyadda Mareykanka xilligii Sagaashanmeeyadii ay ciidamada Mareykanka duulaanka kusoo qaadeen dalka Somalia waxaana xusid in xilligaasi darsi lama ilaabaan ah loo dhigay askartii American-ka ee soo duulay waana lagu jabiyay dagaaladii cuslaay ee ka dhacay Muqdisho.
Jabkaas ayaa gaalka hadda baqtiyay ku qasabtay inuu ciidamadiisa kala carara magaalada Muqdisho iyagoo dusha ku sita Baqti iyo dhaawacyo kala duwan oo askartooda ah.
Bush ayaa dhalay madaxweynihii ka horeeyey Brack Obama ee sababta u ahaa duulaannadii lagu qaaday dalalka Islaamka sida Afghanistan,Ciraaq,Yemen,Somali iyo Shaam, waana Labo cunsuri oo aad u neceb Muslimiinta.