Qarax aad u xoogan ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan askarta Shisheeyaha kuwaasi oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah magaaladan Muqdisho.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay Wadada Jeneraal Daa’uud ee Magaaladan Muqdisho kaasi oo dhawaaqiisa si aad ah looga maqlay xaafada kala duwan oo Muqdisho ka tirsan.
Qaraxa ayaa haleelay gaari Taw ah oo qeyb ka ahaa gaadiidkii ay wateen kolanyada Kufaarta Afrikanta ee la beegsaday.
Gaariga qaraxa uu haleelay waxaa soo gaaray burbur xoogan sidoo kale askartii Kufaarta Afrikaanta ee gaariga la socotay ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxaasi.
Mas’uuliyadda qaraxan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo muddooyinkii dambe sii kordhisay weerarada ka dhanka ah Kufaarta iyo Murtadiinta.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.