Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Weerar habeen hore ka dhacay agagaarka xarunta ADC-da magaalada Baydhabo ayaa sababay dhaawac soo gaaray xildhibaan Macallin Nuur Xasan oo horay uga tirsanaa Baarlamaanka dowladda Federaalka.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa uu sidoo kale ku dhaawacmay Max’med Aadan Malaaq (Qarqaroow) oo horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenka degmada Qansaxdheere.
Dhinaca kale qarax caawa fiidkii ka dhacay xaafadda Buula Jaamac gaar ahaan halka loo yaqaan Onodka, qaraxa ayaa haleelay gaari Cabdi Bile ah oo uu lahaa taliyaha guud ee booliska gobolka Baay.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxii caawa ay ku dhaawacmeen afar askari oo saarnaa gaariga Tikinikada ah ee labeegsaday.
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada ka dhacay magaalada Baydhabo, weeraradan ayaa imaanaya xilli ammaanka magaalada Baydhabo ay adkeeyeen ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwo katirsan maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed.