Wararka ka imaanaya tuuladda Hareer-tuur ee u dhaxeysa degmada Beled Xaawo iyo deegaanka tuulo Barwaaqo ayaa sheegaya in xalay tuuladaas ay weerar kusoo qaadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo kasoo baxay dhinaca magaalada doolow si ay dhac iyo boob ugu geystaan shacabka muslimiinta ee tuulada hareer tuur.
Maleeshiyaadkan oo dhaq dhaqaaqooda laga warhayay ayaa gudaha tuulada markii ay soo galeen waxaa halkaas ku qabsaday dagaal ay la galeen ciidamada wilaayada islaamiga ee Gedo oo tuulada ammaankeeda sugayay.
Dagaal in muddo ah socday kadib maleeshiyaadka dowladda ayaa dib uga cararay tuulada Hareer tuur balse ciidanka Al Shabaab ayaan intaas uga harin waxayna sii baacsadeen maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaas lagu dilay shan katirsanaa maleeshiyaadkii amxaara kalkaalka maamulka Murtad Axmed Madoobe ee ku hungoobay damacoodii gurracnaa ee ahaa in ay boob u gaystaan dadka Muslimiinta ah ee tuuladaas ku dhaqan.
Meydadka Ahanta askari ee lagu dilay dagaalka ayaa looga cararay goobtii lagu dagaallamay waxayna wararku intaas ku darayaan in Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay gacanta ku dhigeen 4 qori AK47 ah oo ay wateen ciidamada.
Shanta askari ee xalay la dilay waxaa mid ah sarkaalkii ciidanka hoggaaminayay kaas oo magiciisa lagu soo koobay Cali Fanax wuxuuna uu kamid ahaa saraakiisha maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe ee sida tooska ah u hoos taga ciidanka itoobiya ee xoogga ku haysta degmada Dooloow,waxeyna warar hoose sheegayaan in weerarkaasi lagu dilay sarkaal kale oo lagu magacaabi jiray Isxaaq Qeyliyow.
Firxadka maleeshiyaatkii lagu jebiyay dagaalka ayaa la sheegayaa inay u yaaceen dhanka Magaalada Dooloow oo ah halkii markii horaba laga soo abaabulay.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab ay si buuxda umaamulayaan deegaankii lagu dagaallamay oo ay si adag uga difaacdeen maleeshiyaad Amxaara kalkaal ah.