Wararka naga soo gaaraya deegaanka Dhanaane ee duleedka Magaalada Marka ee Wilaayada Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xaalad kala yaac ah ay galeen maleeshiyaatka dowladda Ridada ee ku sugnaa deegaankaas.
Wararka ayaa intaas ku daraya in fariisinka maleeshiyaadka Murtadiinta ee deegaanka Dhanaane ay ka baxsadeen Labo Iyo Toban askari oo kuwaasi oo u cararay dhanka magaalada Muqdisho.
Maleeshiyaatka Firxadka ah ayaa inta ay wadada kusii jireen waxey ku dhaceen weerar Kamiin ah oo ay kala kulmeen ciidamada Mujaahidiinta,iyadoo ayna jirto khasaara askarta dowladda lagu gaarsiiyay weerarkaasi dhabba galka ah.
Lama oga inta u le’eg yahay khasaaraha maleeshiyaadka murtadiinta maanta kasoo gaaray kamiinkaas. Balse waxa la xaqiijinaya in maleeshiyaadkii murtadiinta ee halkaasi ku sugnaa inay u firxanayaan dhinaca magaalada muqdisho.
Tan iyo markii Maalmo ka hor ciidamada Mujaahidiinta qarax ay ku dileen taliyihii qeybta 12-ka April ee dowladda Ridada iyo Abaanduulihii qeybtaas waxey maleeshiyaatka dowladda Ridada bilaabeen iney isaga cararaan deegaanka Dhanaane.
Calamada.com