Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxyaa weerar dhabo gal ah oo shalay ciidamada xabashida itoobiya lagula eegtay inta udhaxeysa magaalada Beydhabo iyo deegaanka Daynuunay ee wilaayada baay iyo bakool.
Kamiinkan ka dhacay duleedka magaalada Beydhabo ayaa ciidamada itoobiya lagu gaarsiiyay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan laheyn tirada rasmiga ah ee waxyeelada cadowga gaartay.
Wararka la helayo waxey sheegayaan in ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ee weerarka dhabo galka ah xalay ay ku hoydeen halkii weerarka uu ku qabsaday, waxaa loobadinaya in waxyeelo kala duwan ay soogaartay ciidamada cadowga, taas oo keentay in horey iyo gadaal ay midna u dhaqaaqi waayaan.
Inta badan weerarada dhabo galka ah ee ay la kulmaan ciidamada saliibiyinta itobiya xiliyada ay isaga kala gudbaayan deegaanada wilaayada baay iyo bakool ee duulaanka ay kuheystaan waxaa ka soo gaaraya qasaa’ir kala duwan dhimasho iyo dhaawac iyo bur bur ku yimaada gaadiidkooda dagaalka.