Qaraxyada oo Labo ah ayaa ka dhacay wadada Xeebta ah ee isku xirta Magaalada Muqdisho iyo magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelada hoose.
Qaraxa Kowaad waxaa lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen tiro ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta, dhimasho iyo dhaawac ayaana kadhashay waxeyna sidoo kale waxyeelo soo gaartay gaarigii Cabdi Bilaha ee askarta dowladda ay la socdeen.
Qaraxa labaad oo isna ka dhacay goob aan sidaasi uga fogeen halka uu ka dhacay qaraxii,waxaa qaraxan si gaar ah loola beegsaday Saraakiil miino baare yaal oo ka tirsan dowladda Ridada kuwaasi oo ay la socdeen askar.
Isku geynta wadarta guud ee dhimashada ka dhalatay qaraxyadan waxay gaarayaan ilaa Shan askari oo ay ku jiraan saraakiishii miino baarayaasha ahaa.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah dowladda Ridada iyo kuwa Shisheeyaha soo duulay.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.