Musharaxa Cabdil-caziiz Lafta-gareen oo ay wadato dowladda federaalka ayaa kusoo baxay dooorashada madaxtinimada maamul goboleedka Koonfur-gabeed, taas oo maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Lafta gareen wuxuu helay codad gaaraya 101 cod, halka Ibraahim Macalin Nuur uu helay 6 cod, Aadan Maxamed Nuur Saransoor ayaa isagana helay codad gaaraya 22.
Gudiga doorashada madaxtinimada maamulkaas ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxaana horey loo filayay in Lafta gareen uu kusoo bixi doono doorashada maadaama ay taageero adag ku bixisay dowladda federaalka.
Murtad Mukhtaar Roobow ayaa si qasab ah waxa looga reebay doorashada, isagoona haatan ku xiran xabsi ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaliya.