Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta Wilaayada Bari waxey sheegayaan in gudaha iyo duleedka magaaladaasi ay ka dhaceen weeraro qaraxyo loo adeegsaday.
Qarax Gaari Cabdi Bile Ah Looga Gubay Maamulka gaala raaca Puntland Ayaa Ka dhacay Inta Udhaxeysa magaalada Boosaaso iyo Galgala Gaar Ahaan Nawaxiga Deegaanka Bali Khadar oo ka mid ah deegaanada hoostaga Boosaaso.
Qaraxa gaariga Cabdi Bilaha lagu burburiyay waxaa ku dhintay hal Askari Labo Kalana Wey Ku Dhaawacmeen kuwaasi oo wada ah maleeshiyaatka maamulka Ashahaado la dirirka Puntland isku magacaabay.
Dhanka kale Qaraxyo Ayaa lala beegsaday Saldhiga Minjir Ee Gudaha Magaalada Boosaaso,iyadoo jugta dhawaaqa qaraxyada si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee Boosaaso.
Labo qarax ayaa ka dhacday gudaha saldhiga waxeyna wararka la helayo sheegayaan iney jirto khasaara Nafeet iyo mid hantiyadeed oo maleeshiyaatka Murtad Cabdi Wali Gaas kasoo gaartay qaraxyadaasi.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sii k0rdhiyay weerarada ka dhanka ah maamulka Puntland oo ka mid ah maamul gobaleedyada gaaladu ay ka dhisteen gudaha dalka Somalia.
Calamada.com