Howlgal qorsheysan oo dil ah waxa uu ka dhacay gudaha degmada Xamar Jajab ee Wilaayada Banaadir waxeyna Ciidamada Mujaahidiinta weerarkaan ku khaarijiyeen Nin Murtad ah oo ka mid ah Ergadii soo dhistay Xildhibaanada golaha dhawaaqiida Kooxda Ridada.
Murtadkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Qaadir Cabdi waxa uuna ka mid ahaa Ergadii sida gaarka wax uga soo dhigtay Golaha dhawaaqiida qeybta laga soo doortay dhanka magaalada Baydhabo ee Wilaayada Baay iyo Bakool.
Dilkan waxa uu kusoo aadayaa xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Cirib tir xoogan ku hayaan odayaal ku sheegii soo dhisay xildhibaanada dowladda Federaalka.
Dhowr jeer waxaa gudaha magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Wilaayaatka dalka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku dileen odayaal kala duwan kuwaasi oo gabi ahaantooda ka mid ahaa Ergadii wax kasoo dhistay xildhibaanada golaha dhawaaqiida.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.