Weerar jid gal ah waxeey jabhada wilaayada islaamiga ee Gedo la beegsadeen kolonyo ciidamada Xabashida Itoobiya ka tirsan kuwaaso oo sahay ciidan u siday ciidamadood ku sugan deegaanka Yurkud.
Ciidamadan itoobiyaanka ah ayaa waabarigii shalay kasoo baxay degmada luuq ee wilaayada gedo waxaana ay ka koobnaayeen gaadiid dagaal iyo kuwo xamuul ah oo raashin ay ku sideen.
Halyeeyada islaamka oo la socoday dhaqdhaqaaqa ciidamadaas xabashida ah ayaa weeraro qaraxyo ah cadawga kula beegsaday wadada isku xirta degmada luuq iyo deegaanka yurkud.
Qaraxa 1aad ayaa lala beegsaday gaari ciidan oo ay ka buuxeen ciidanka saliibiyiinta itoobiya. Waxaana qaraxa oo gaariga si xoog leh u burburiyay uu keenay in dhammaan askarti gaarigaas saarnayd ee halkaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqdaan
Goobta ayay ciidamada Xabashidu ku dageen waxaana ay ka aruursandeen askartii halkaas baqtiga iyo dhaawaca uu kasoo gaaray. Iyagoo u sii dhaqaaqay dhinaca deegaanka yurkut.
Muddo markii ay socdeen ayay dib ugu soo laabteen isla wadadii iyagoo usoo laabtay dhinac magaalada luuq oo ahaa halkii ay markii hore kasoo kicitameen.
Ciidamada mujaahidiinta ayaa mar labaada qarax kula la beegsaday kolonyaddii ciidamada itoobiyaanka ahaa waxaan marka qaraxa lala helay gaari ciidan, kaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawac cadawga gaarsiiyay
Saraakiisha ciidanka mujaahidiinta ayaa inoo sheegay in ciidan xabashida itoobiya ay isaga carareen labdii gaari ee ee shalay qaraxyada looga burburiyay. Waxaana gaadiidkaas burburkooda gacanta ku dhigay ciidanka mujaahidiinta.