Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee Wilaayada Baay iyo Bakool waxey sheegayaan in gudaha magaaladaasi uu ka dhacay weerar khasaara uu kasoo gaaray maleeshiyaatka maamulka Ridada ee isku magacaabay Konfur Galbeed.
Weerarka oo ah qaraxa waxa uu ka dhacay xaafadda Hareeri Kaadiyow ee degmada Baydhabo waxaa qaraxa sigaar ah uu kaga dhacay goob isku imaatin ah oo waqti walbo ay fadhiistaan maleeshiyaatka Murtadiinta.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay Afar Askari waxaana ku dhaawacmay Toban kale kuwaasi oo gabi ahaantooda ah maleeshiyaatka maamulka Konfur Galbeed.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay qarax khasaara uu kasoo gaaray maleeshiyaatka maamulka Murtad Axmed Madoobe uu ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee Wilaayadda Jubbooyinka.
Calamada.com