Qaraxa Kowaad waxaa la la egtaya goob isku imaatin ah oo ay isugu yimaadaan maleshiyaadka Dowladda Ridada somali ee ku sugan dagmada Diinsoor kaasi oo dhaliyay khasaara kala duwan.
Qaraxa kadib waxaa goobta soo gaaray maleshiyaad ridada ka tirsanaa kuwaasi oo doonayay in ay gurmad u fidiyaan walaalahooda ku halaagsamay qaraxa balse wax yar kadib waxaa la maqlay dhawaaqa qarax aad u xoogan kaasi oo lala egtay maleshiyaadkii gurmadka ahaa.
Inta la xaqiijiyay waxa qarax yadaasi ku dhintay Hal askari halka tira kalana ay ku dhaawacmen kuwaasi oo dhaawacyadooda ay culus yihiin,waxey qaraxyadan kusoo aadayaan xilli saacadihii lasoo dhaafay qarax lagu dilay Afar askari laguna dhaawacay Toban kale oo wada ah maleeshiyaatka maamulka Ridada Konfur Galbeed uu ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo.
Calamada.com