Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya qaraxyo maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.
Qarax maanta duhurkii ka dhacay degmada Waaberi ayaa sababay khasaara dhaawac ah oo gaaray sarkaal sare oo katirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaari nuuca raaxada ah oo uu watay sarkaal katirsan xafiiska R/wasaaraha uu qarax ku qabsaday xaafadda Koowda May ee degmada Waaberi.
Dhaawac culus ayaa la sheegay in uu gaaray sarkaalka oo maagaciisa lagusoo gaabiyay Cusmaan dheere xaraada Al Shabaab ayaana durbadiiba sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya deegaanka Xaawa Cabdi ee dhaca duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan uu haleelay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxu uu burburiyay gaari Taaw ah oo ay wateen ciidamada Burundi ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM, ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa ka yimid dhanka degmada Afgooye waxayna kusii jeedeen Muqdisho.
Idaacadda Andalus ee Afka Xararakada Al Shabaab ku hadasha ayaa sheegtay ‘in Mujaahidiintu gaari u burburiyeen qarax miino oo ka dhacay deegaanka Xaawa Cabdi’.
illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidamada AMISOM oo ku aaddan qaraxii ka dhacay galbeedka Muqdisho ee gaariga gaashaaman lagu gubay.