Guutooyin katirsan Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin oo hoostagta faraca Al-Qaacida ee Maqribul Islaam ayaa weerar khasaare dhaliyay waxay ka fuliyeen dalka Burkina-Faaso, oo kamid ah wadamada Faransiiska garabka ku siinaya duulaanka uu kusoo qaaday wadanka Maali.
Bayaan kasoo baxay mu’assasada Az-zallaaqa oo ku hadasha afka Jamaacada Nusratul Islaam ayaa lagu xaqiijiyay in weerar ay Mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Tuweyni oo dhaca xuduud beenaadka ay ku dileen ugu yaraan toban askari oo katirsan ciidamada xukuumadda Burkina-Faaso.
Weerarka oo ahaa kamiin si adag loo qorsheeyay ayaa waxaa kusoo dhacay kolonyo gawaari ciidan ah oo ay saarnaayeen ciidamada Police-ka, waxaana mar qur ah ay ciidamadu la kulmeen rasaas xoogan oo jihooyin kala duwan uga soo dhaceysa.
Intii uu socday weerarka, ciidamo kale ayaa gurmad usoo sameeyay ciidanka kamiinka ku dhacay, waxaana lala eegtay qarax miino oo culus, kaas oo waxyeello gaarsiiyay mid kamid ah gaadiidkii gurmadka ahaa, khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaana markale gaaray ciidamada xukuunadda Burkina-Faaso.
Waxaa jira qanaa’im kala duwan oo hub u badan kuwaas oo ay mujaahidiintu la wareegeen, halka kamiinka lagu gubay gawaari dagaal oo ay ciidamadu wateen.
Jamaacada Nusaratul Islaam wal Muslimiin ayaa ku guuleysatay iney ballaariso masaaxada ay ka howlgasho, waxaana dhawaan wadanka Burkina-Faaso laga hirgeliyay guutooyin Jihaadi ah oo adag, kuwaas oo sida muuqata doonaya in dalkaas ay ku baacsadaan ciidamada xukuumadda Burkina-FASO.
Dowladda Burkina Faaso ayaa xaqiijisay weerarka ay la kulmeen ciidamadeeda, waxaana Clement Suadugu oo ah wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Burkina Faso uu telefeshinka afka dowladda ku hadla u sheegay in xilligii ciidamadu weerarka lakulmayeen ay kusii jeedeen tuulada Loorooni ee xuduudda Maali dhacda si halkaasi ay roonddo uga sameeyaan.