Ergey ka mid ahaa xubnaha soo xulay xildhibaanada dowladda Ridada ayaa lagu dhaawacay xaafadda Gaheyr ee magaalada Muqdisho, ka dib markii ciidamada Mujaahidiinta ay weerar qorsheysan ka fuliyeen halkaasi.
Ninkan oo magaciisa lagu soo koobay Cali Babaay ayaa ka mid ahaa ergooyinka soo xulay xildhibaanada dhawaaghiida ee laga soo doortay Hiir-shabelle, waxaana la sheegay in isagoo dhaawac halis ah qaba laga qaaday goobtii lagu beegsaday.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa si joogta ah u beegsada ergooyinkii ka qeyb qaatay doorashooyinkii lagu soo xulay xildhibaanada dhawaaghiida ee kooxda ridada marka laga reebo kuwa Allaah u towbadkeenay ee ka soo noqday falka gaalnimo ee ay ku dhaceen.